CPA waxay ka dalbatay SONSAF inay hoos u eegto Cabashada Difaacaha Xuquuqda Aadanaha

Halkan ka akhriso war saxaafadeedka oo dhamaystiran: War Saxaafadeedka Difaacaha Xuquuqda Aadanah

Xarunta Daraasaadka Siyaasaddu (Centre for Policy Analysis) waxaay ka codsanaysaa daladda SONSAF inay kala cadaysomawqifkeeda ku saabsan amniga iyo shaqada difaacayaashaxuquuqal insaanka Somaliland. Markaanu aragnay cabashoqoraal ah oo uu soo gudbiyay difaace xuquuqal insaan, islamarkaana aanu lafo-gurnay qoraalka cabashadu ku saabsantahay, waxaanu si wayn uga walaacsanahay qoraal aan la aqbalikarin oo khatar ah oo uu qoray sarkaal sare oo ka tirsanSONSAF oo si furan ugu weeraray baraha bulshadadifaacayasha xuquuqal insaanka, sidoo kalena sameeyeysheegashooyin khatar gelinaya noloshooda. Sheegashooyinkuwaxaay sidoo kale waxyeelo u gaysanayaan xuquuqal insaankalaftiisa. Waxaanu ognahay inaanay ahayn markii u horaysay eesarkaalkaasi uu sidan oo kale u majo xaabiyo xuquuqal insaankaisaga oo sheeganaya inuu metelo SONSAF.

Xaruntu iyada oo aqoonsan in difaacayaasha xuquuqal insaankuay si naf hurid ah ugu hawlan yihiin hawl adag, waxa aan ahaynwax la aqbali karo in sarkaal sare oo ka tirsan SONSAF uu horkaco weerar ka dhan ah karaamadooda.

Shaki kuma jiro in ururada xuquuqal insaanka ee Somaliland ay qabtaan hawlo waafaqsan Diinta Islaamka. Cidii ku dooda sitaas ka duwanina way qaldan tahay. Xuquuqal insaaku wuxuuku qoran yahay Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo kusallaysan diinta karaamada leh ee Islaamka sida ku cad qodobka5aad ee Dastuurka Somaliland.

Waxaanu u soo jeedinaynaa SONSAF inay iska fogayso hadalkauu jeediyay sarkaalkaas ka tirsan, ayna ka qaado talaabo kuhaboon islamarkaana ay raali gelin siiso difaacayaasha xuquuqalinsaanka iyada oo iska ilaalinaysa inay qayb ka noqoto weerkhatar ah oo lagu qaado difaacayaasha xuquuqal insaanka iyomabaadida xuquuqal insaanka ee dastuurka ku qoran.

Ugu danbayntii, Xaruntu waxaay ku amaanaysaa difaacayaashaxuquuqal insaanka ee jooga gobolada kala duwan ee dalkashaqada muhiimka ah ee ay hayaan, waxayna kudhiirigelinaysaa inay sii wadaan.

Warbixin Dheeraad ah, nagala soo xidhiidhcpa.hornofafrica@gmail.com

Address

Address: Red Sea village, I/K district, Hargeisa, Somaliland.

Email:Contact@centerforpolicy.net.

Web: www.centerforpolicy.net