Doorka Haweenka ee Arimaha Bulshada, Dhaqaalaha iyo Siyaasada Soomaaliland

03/12/21015, Xarunta Darasaadka Siyaasadda ee (CPA), sidii caadadada u ahayd Waxay soo qaban qaabisay barnaamijkeedii Habeenka Kasmo-Wadaag oo aalaaba lagaga hadlo Arimo kala duwan oo ku saabsan Siyaasadda, Bulshada, iyo Dhaqaalaha.
Barnaamijka Habeenkan Kasmo-wadaag waxaa si qoto dheer loogu lafaguray Doorka Haweenka Ee Arimaha Bulshada, Siyaasadda & Dhaqaalaha Somaliland. waxa Marti ku ahaa Shan Haween ah oo Aqoon iyo Waayo-aragnimo dheeraad ah u leh Mawduucan uu ku saabsanaa Habeenka Kasmo-wadaag. Xildhibaan. Baar Siciid Faarax oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland, Kaltuun Sheekh Xasan oo ka tirsan Guddiga Doorashooyinka Qaranka Somaaliland, Guddoomiyaha Hay’adda Progressio Sucaad Ibraahim Cabdi, Guddoomiyaha Ururka Maxaliga ah ee NAFIS Marwo. Aamina-milgo Xaaji Maxamuud Warsame, iyo Qani Cabdi Caalin oo ah Gabadh Dhallinyaro ah oo samaysay Hal-abuur Ganacsi, ayaa iyagu si qoto dheer uga hadlay Doorka haweenku ku leeyihiin arimah Bulshada, Dhaqaalaha iyo Siyaasada Soomaliland.
Waxay Madasha ku soo bandhigeen Maraaxilkii Haweenku ay u soo mareen ka qayb qaadashada Siyaasadda Dalka Somaliland, kaas oo soo bilaabmay 1991 Heerar kala duwana soo maray, waxa kale oo ay ka hadleen sida ay lagama maarmaanka u tahay in Mujtamaca la wada dhiso si’aanu u kala dhantaalmin oo aynaan u noqon bulsho qayb qudhi tayaysantahay.
Sidoo kale waxay sheegen in Horumarka bulsho sida lagu aqoonsado ay ka mid tahay u doodista hadba ciddii wax tabanaysa iyo in ay qabtaan cidda wax kharibaysa iyo in ay Bulshada laga helo Dad iyagu Is-xilqaama oo ka hadla Arimaha Bulshada iyaga oo aan dhaqaale ku raadsanayn.

Dhanka kale waxay ka warameen doorka ay haweenku ku leeyihiin Guud ahaan Doorashada iyo in ay iyagu yihiin kuwa ugu badan ee Codka bixiya Xilliga Doorashada sidoo kalana kaalin wayn kaga jira Waqtiga u diyaar garawga doorashada balse aanay iyagu is dooran.
Waxa kale oo si mug leh uga warameen Dhalinyarada iyo Doorka Ganacsi ee ay kaga jiraan Bulshada Somaliland iyo heerarkii ay soo mareen sanadihii u dambeeyay iyo caqabadaha hortaagan da’yarta u heelan siday Horumar waara uga gaadhi lahaayeen Ganacsiga. waxaanay sheegeen in Dhalinyartu Rag iyo Dumar ba ay yihiin kuwa Hal-abuur ganacsi leh, is la markaana Ganacsiga ay Dhalinyaradu sameeyaan uu had iyo jeer u yahay mid habaysan.
Martida Habeen Kasmo-wadaag waxay ka jawaabeen su’aalo badan oo ay waydiiyeen ka soo qaybgalayaashii barnaamijku iyagoo sidoo kalena soo jeediyay talooyin badan oo ku saabsan sida ugu haboon ee loo horumarin karo doorka Haweenka ee arimaha Bulshada, Dhaqaalaha, iyo Siyaasada Soomaliland.
Ugu danbayntii Martidii Habeenka Kasmo-wadaag iyo ka soo qaybgalayaashiba waxay ku amaaneen xarunta CPA , shaqada ay u hayaan umada iyo barnaamijkan loogu magacdaray Kasmo-wadaag iyo mawduucyada ay ku soo qaadato oo ay sheegeen in loo baahnaa in lagaga hadlo madasha noocan oo kale ah.
Xarunta Daraasaadka Siyaasada ee (CPA) waa xarun aan Dawli ahayn, faa’iido doona ahayn.
————————————
Maria Abdillahi Gahier
CPA, Hargeisa Somaliland