Kulan lagu laf-guray Xeerka Kufsiga ee ay Baarlamaanku Gacanta ku hayaan

Kulan lagu laf-guray Xeerka Kufsiga ee ay Baarlamaanku Gacanta ku hayaan

Hargeisa- 24 July 2018

kulan lagaga hadlayay wax ka bedelka xeerka kufsiga ee ay goalaha wakiiladda Somaliland samayeen ayaa lagu qabtay Hotel Mansor ee Magaaladda Hargeysa.

IMG_8865      vlcsnap-2018-07-24-15h42m23s966 vlcsnap-2018-07-24-15h38m58s191 Sx

Kulankan oo ay soo qaban-qaabiyeen ururadda bulshada rayidka Somaliland oo ka kooban sharciy yaqaano, ururadda u doodada xuquuqda haweenka, ardayda jaamacadaha iyo aqoonyahano kale

Ujeedadda Kulankan ayaa ahayd sidii loo abuuri lahaa gudi farsamo oo kala shaqeeya golaha wakiiladda sidii wax ka bedel loogu samayn laahaa xeerka kufsiga.

Raaqiya Yusuf Ibraahim oo ah sharci- yaqaan kana tirsan komishanka xuquuqal insaanka ee qaranka, ayaa furitaankii kulanka ka warantay bilowgii iyo heerarkii kala danbeeyey ee uu  soo maray  xeerka kufsigu , waxaanay xustay in xeerakani uu la kawsaday 2014kii xiligaas oo ay barlaamanku diyaariyeen iyagoo ku marti qaadeen daneeyayaasha xeerka oo ka kala socday qaybaha kala duwan ee bulshada si loo falnqeeyo loogana doodo, waxaanay ku saleeyeen ayay tidhi baahiyo xiligaa jiray oo ka yimid bulshada.

Raaqiya Yusuf waxay intaa ku dartay in wixii markaa ka danbeeyey uu xeekani soo maray marxalado kala duwan iyadoo dadaal badana lagaliyey sidii looga midho-dhalin lahaa intaa ka dibna lagu celiyey baarlamaanka hadana uu horyaalo iyadoo ay wax ka bedel ku sameeyeen.

Raaqiya iyadoo ka hadlaysa waxyaabaha uu baahanyahay xeerkani marka uu dhaqan galo waxay tidhi  “Marka uu xeerkani inoo soo baxo waxa uu u baahanyahay awooda midaysan oo lagu hirgalliyo ayuu uu baahanyahay garsoorka laftiisau maxay samayn doonaan hadhaw siday u qaadan doonaan markaa waxay inu baahanahay marka uu dhaqan-galo sidii aynu uu riix lahayn “

Guleed Axmed Jaamac oo ku hadlayay magaca Hay’adda xuquuqal Insaanka ayaa ka waramay sida ay danbiyadda kufsigu ugu badanyihiin bulshadda dhexdeeda isagoo si gaarana u xusay in ay ku badanyihiin meelaha magaalooyinka ka durugsan oo inta badan lagu kala baxo dhaqanka marka danbiyadda noocani dhacaan taasina ay sii kordhinayso ficilladii xumaa maadama uu danbiiluhu ogyahay inaan loo qabsanayn.

Guuleed Axmed Jaamac (Dafac) oo ah gudoomiyaha ururka xuquuqal insaanka ee madaxa-banaan waxa kale oo uu ka waramay baahidda keentay xeerkani inay tahay mid ka timid bulshadda oo uu dhib badan ku hayan ficilkan xun ee kufsiga sidaas darteedna markay baarlamaanku xogwarysi la yeesheen qaybo badan oo bulshadda ay lagama-maarmaan noqotay in xeerkan la diyaariyo, waxaanu intaa ku daray in xeerkani uu ka mid yahay xeerarka fara-ku tiriska ah ee ka yimid bulshadda sidaas darteedna loo bahanyahay in uu dhaqan gal noqdo.

Sucaad Ibraahim Cabdi oo ka socotay ururadda bulshada ayaa iyaduna dhankeeda sheegtay in waxyaabaha xeerkan in dib loo eega ay tahay wakhtiga dhibanuhu uu ku soo gubinayo cabashadiisa iyadoo sheegtay inaanay  72 saacadood anfacayn dhibnaha maadama aanay dadku ahay inta magaalooyinka ku nool ee loo baahanyahay in guud ahaan bulshadda uu culaysku haystaa ay ka faa’iidaysan karaan fursadda

Axmed Yuusuf Xasan oo khabiir ka hawlgala arimaha xuquuqal insaanka ayaa dhankiisa ka waramay baahiyaha farsamo ee jira iyo sida loogu baahanyahay in laga wada shaqeeyo

Yaxye Hanas oo ka socday ururka suxufiiyinta Somalialnd ee SOLJA ayaa isaguna xusay sida loogu baahanyahay in xubanaha lagaga dhawaaqayo kulankani ay noqdo kuwo aqoon fiican uleh waayo-argnimo fiicana ka haysata.

C/raxmaan Gaas oo isaguna ka socday ururka Nafis Network oo ka hawlgala arimaha tacadiyadda haweenka ayaa dhankiisa isna ka waramay markaa laga tago dhibaatada jidh ahaaneed ee dhibanaha soo gaadha waxa kale oo uu kufsigu ku reebi karaa dhibanaha  xanuuno  ,kuwaasoo inta badan cadayn looga dhigo baadhitaano, waxaanan soo jeedin lahaa ayuu yidhi in aan la isku

xidhin baadhitaanka danbiga iyo daawaynta dhibanaha

IMG_8859     vlcsnap-2018-07-24-15h29m36s645   vlcsnap-2018-07-24-15h31m49s395  ok

Gabagabadii kulanka dood iyo falan-qayn dheer ka dib waxa lagu soo xulay guddi farsamo oo ka kooban 7 xubnood kuwaas oo kala shaqayn doono golaha wakiiladda wax ka bedelka xeerkan.

Waxaany gudidu ka warbixin kooban oo ay kulanka ka sheegeen intii la doortay ka dib ku soo bandhigeen qorshe hawleedkooda ay ku shaqayn doonaan.