WARBIXIN: DURUUFAHA HORYAALLA XUKUUMADDA KULMIYE

Dadka Somaliland markii ay ansixiyeen dastuur sanadkii 2001 waxa ka danbeeyey doorashooyin dhowr ah oo heerar keedu kala jaad ahaayeen. Doorashadii u horaysay ee madaxwayne waxaay dhacday 2003 waxaana doorasho lagu murmay ku guulaystay madaxwaynihii markaas xilka hayay Daahir Rayaale Kaahin oo todobo sanadood kadib, 2010, uu ka guulaystay Axmed Maxamed Maxamuud Siinaalyo oo ahaa hogaamiyihii codka aadka u yar lagaga helay 2003 dii. Doorashadii sadexaad ee madaxtooyo waxaay dhacday 13 November 2017. Guul loogu dhawaaqay Muuse Biixi Cabdi, murashixii xisbiga Kulmiye ee talada haya waxa diiday xisbiga mucaaradka ah ee Waddani oo ku tilmaamay mid la boobay, inkasta oo uu ugu danbayntii aqbalay natiijada. Goob joogayaasha caalamiga ahi way amaaneen hanaanka doorashadu u dhacday.

Warbixinta oo dhamaystiran: Duruufaha horyaalla Xukuumadda Kulmiye

Madaxwaynaha loo doortay markuu qabto xilka waxa horyaalo arimo badan. Xarunta Daraasaadka Siyaasaddu waxaay qoraalkan si guud ugu soo koobtay dhawr arimood oo ay tahay in xukuumaddu maaro waarta u hesho. Arimahaas oo ah kuwo dhaqaale, dhaqan, siyaaad, amni iyo bulsho. Madaxwaynuhu wuxuu ku fadhiisanayaa kursiga ugu sareeya dalka isaga oo soo maray oolole doorasho oo dad badani u arkayeen inuu ahaa mid kala qaybin badan, xag xagasho wayn oo dadka u kala guray haybo.

Xarunta Daraasaaska Siyaasaddu waxaay falaqaysaa arimaha ka jira Geeska Afrika guud ahaan, gaar ahaan Somaliland. Ujeedadu qoraalkani waa inuu siiyo madaxwaynaha iyo xukuumadiisa talooyin iyo in tooshka lagu ifiyo meelaha daruuriga ah ee ay tahay inay ka war hayaan.

XIISADAHA SIYAASADEED EE HORYAALLA MADAXWEYNAHA:

Gudaha:

Waxaa jiraa xiisado siyaasadeed iyo kala qaybsan bulsho oo ka dhashay ololihii doorashada, hoggaamiyayaashii ku tartamayey kursiga madaxtinimada bulshadu waxay isticmaalayeen weedho xanaf leh oo salka ku haya qabiil, taageerayaasha xisbiyada iyo masuuliyiinta qaarkoodna waxay soo gaadheen in REER hebel aanu xaq u lahayn inuu reer hebel xukumo, waxay soo qaarkood bulshada dib u soo xasuusiyeen weedho xanafleh iyo dagaalo sokeeye oo hore looga heshiiyey, masuuliyiin kalena waxay bulshada qaarkeed ku eedaysay inay u dhega-nugul yihiin aragtida Somaliweyn, taas oo lafteedu salka ku haysay duruufo laga soo gudbay.[1]

Haddaba bulshadii ereyadaas loo sheegay, ee laga guulaystay, weli iyaga oo ciil qaba ayay joogaan, waxaa sidoo kale jira in taageerayaasha Xisbiga Waddani ay u arkaan sida ay warbaahinta ka sheegayaan, inay ku dulman yihiin nidaamka dawliga ah, ka soo bilaw xukuumadda Hargeisa fadhida ama maamulka ka jira gobollada ay ku nool yihiin.

Haddaba duruufta noocaas ahi waxay u baahan tahay in degdeg wax looga qabto, haddii la iska dhega-tiro, waxaa dhici karta in dhinacyo kale ka faa’iidaysan karaan, sida Siyaasi kursi waayey, Caaqil shaqadiisii meesha ka baxday iyo gacmo shisheeye.

Halista ugu weyn ee sii hurinaysa xaaladdan ayaa ka imanaysa qurbe joogtii qaadhaanka ugu badan ku taageertay Mucaaradka, iyaga oo aan weli ku qancin habkii doorashadu u dhacday, sidaas awgeed xukuumadda waxaa horyaalla inay la timaaddo qorshe ay ku waajahayso arrintan oo ku qancinayso dadka tabashada qaba, maaha inay kuraas u qaybiso oo keliya, hase ahaatee inay ugu yaraan la fadhiisato.

ARRIMAHA AMNIGA:

Ajnebiga dalka ku soo badanaya:

Dhawaan laamaha ammaanka ee dalku waxay gacanta ku dhigeen sida lagu baahiyey warbaahin kala duwan, dad ajnebi ah oo Somaliland dhexdeeda ku faafinayey lacago dollar ah oo been abuur ahaa, sidoo kale waxaa jira Yemeni badan oo dalkeena u soo qaxday, badankoodu waa dad jilicsan oo nabad iyo nolol raadinaya hase ahaatee waxaa ku jiri kara dad aragtiyo kale wata, ama kuwo dalka ka geysan kara dembiyo kala duwan oo halis ku ah ammaanka guud ee dalka, haddaba waxaa muuqata in haatan loo baahan yahay abuurista WAAX SI GAAR AH ULA SOCOTA DADKA AJNEBIGA AH EE DALKA KU SUGAN, taasi waxay sahlaysaa in dadka nolol raadiska ah ama dadka dalkan u soo shaqo tegey inaanay waxyeello gaadhsiin amnigeena guud.

CAQABADAHA ARRIMAHA DEBEDDA:

Mowqifka siyaasadda arrimaha debedda ee Somaliland, wuxuu wakhti dheer ahaa mid ku salaysan, in Somaliland ay aqoonsigeeda ka raadsato beesha caalamka, isla markaana ay wadahadal la furi karto Soomaaliya oo keliya marka ay samaystaan dawlad metesha dadka ku nool gobollada kala duwan ee Somalia. Hase ahaatee aragtidaas waxaa wax ka bedelay, xukuumaddii Kulmiye markii ay kursiga ku guulaysatay sannadkii 2010; waxay qaateen jid cusub oo arrimaha debedda ah, waxay wadahadal la fureen dawladdii ku meel gaadhka ahayd ee Somalia sannadkii 2012, hase ahaatee arrintaasi may noqon mid midho dhasha, ama laga gaadho hadafkii loo bilaabay.

Wadahadalada waxaa inta badan majaraha u hayey dalka Turkiga, oo dano iyo masaalix badan ka leh Somalia, Turkigu wuxuu magaalada Muqdisho ku bixiyey maalgelin toos ah oo ka badan $1 Bilyan oo Dollar, wuxuu u dhisay garoon diyaaradeed, dib u habaynta iyo qalabaynta dekedda Muqdisho, Cusbitaallo, iskuullo, saldhig milateri, ciidamo kala duwan oo uu u tababaray, waddooyin uu u dhisay iwm. Taas bedelkeeda ma jirto wax uu u qabtay Somaliland, intaas waxaa dheer Turkigu wuxuu si cad u sheegay inuu taageersan yahay midnimda iyo isku haynta Soomaaliya wixii la isku odhan jiray, taasina ay tahay siyaasaddooda ku wajahan Soomaalida, haddana waa dalka gacanta ku haya wadahadalada u dhexeeya Somaliland iyo Somalia. Haddaba su’aasha ugu weyn ee hortaalla xukuumadda Muuse Biixi ayaa ah, go’aanka ay ka qaataan dalka Turkiga.

Warbixinta oo dhamaystiran: Duruufaha horyaalla Xukuumadda Kulmiye