WARBIXIN: Lacagihii ku Baxay Ololaha Doorashadii Madaxtinimada ee Somaliland

Intii lagu guda-jiray doorashadii madaxtinimada ee Somaliland ka qabsoontay November 13, 2017, waxaa muuqanayey lacago xad-dhaaf ah oo lagu isticmaalayo ololaha doorashada, sidoo kalena Xisbiyada ka qayb-gelayey doorashada ayaa isku eedaynayey inay jiraan lacago ka soo galay Somaliland wadamo debedda ah. Xarunta Daraasaadka Siyaasiga ah ee CPA waxay ka mid ahayd hay’adaha sida dhow ula socday ololaha doorashada, waxaana xilligaas xarunta CPA ay samaynaysay warbixino toddobaadle ah (Monitoring Reports) oo lagu soo bandhigayey hadba dhacdooyinka doorashada la xidhiidha.

Ka dib doorashadii madaxtinimadu markii ay dhacday, waxaa isla markiiba ay xarunta CPA bilawday daraasad ku saabsan, Lacagaha ku baxay doorashada, Meelaha Xisbiyadu lacagaha ka helaan, Meelaha ugu badan ee Xisbiyadu ay lacagaha ku bixiyaan, Hannaanka Maaliyadda ee Xisbiyada iyo sababaha keena in awoodda xisbiyadu ay ku soo ururaan hal koox.

Warbixinta oo Dhamaystiran halkan ka akhriso: LACAGIHII KU BAXAY DOORASHADII MADAXTINIMADA