CENTER FOR POLICY ANALYSIS (CPA)

WAR-MURTIYEED Lr. 2  APRIL 2015

Maalinnimadii sabtida ee bishan April ahayd 18, waxa magaalada Hargeysa lagu xidhay guddoomiyaha hay’adda xuquuqda aadamaha ee HCR Guuleed Axmed Jaamac,  isla markaana xubin ka ahaa Xarunta Deraasaadka Siyaasadda (Center for Policy Anlaysis),  kaas oo lagu eedeeyay in uu dhaliilay tayada iyo hab-shaqada garsoorka Somaliland. Xadhigga Guuleed wuxuu daba socday waraysi uu siiyay warbaahinta qaarkeed.

Sida ku cad warqadda tixraaceedu yahay MGH/79/2015 ee ka soo baxday xafiiska  guddoomiyaha maxkamadda gobolka Hargeysa, kuna taariikhaysan 19/04/2015, isla markaana ku socotay taliyaha qaybta baadhista   dembiyada Somaliland, maxkamadda gobolka Hargeysa waxay dammaanad ku sii daysay Guuleed Axmed Jaamac, waxaanay amartay sii-daynta eedaysanaha, balse lama sii dayn.

Haddaba,  Xarunta Deraasaadka Siyaasadda (Center for Policy Anlaysis  –  CPA), waxay cambaaraynaysaa, kana horjeeddaa xadhigga Guuleed. Waxaanu ku baaqaynaa  ugu baaqaysaa in xorriyaddiisa loo soo celiyo  guddoomiyaha HRC, Guuleed Axmed Jaamac.

—KU SAABSAN XARUNTA DARAASAADKA SIYAASADDA (CPA)

CPA  waa  Xarun  aan dawli ahayn, faa’iido-doonna ahayn.  Hiigsiga  xarunta  CPA  waa inuu ka caawiyo  wadamada Geeska Afrika si ay ugu naaloodaan Nabadgelyo iyo Dawlad Wanaag. Xarunta xafiiska CPA waa Hargeisa,Soomaaliland.

 

Contact Information

Adress: Red Sea village, I/K district, Hargeisa, Somaliland.

Email: cpa.hornofafrica@gmail.com/Contact@centerforpolicy.net.

Web: www.centerforpolicy.net