165 habeen ayaa ka hadhay xilliga loo asteeyey inay doorashooyinka golaha wakiillada iyo dawladaha hoose ka qabsoomaan Somaliland taas oo ku began maalin Arbaca ah, bisha March 27, 2019, hase ahaatee waxaa jira caqabado waaweyn oo weli horyaalla inay doorasho qabsoonto, taas oo faham ahaan muujinaysa inaanay suurogal ahayn in wakhtiga kooban lagaga gaadhsiiyo hawlaha doorashada ee yaalla, maadaama aan illaa haatan heshiis lagu ahayn habka doorashada loo gelayo ama aanu jirin qorshe doorasho oo ay heshiis ku yihiin dhinacyada ku lug leh hawlaha doorashooyinka Somaliland.

Warbixinta oo Dhamaystiran halkan ka Akhriso: WARBIXINTA HAWLAHA DOORASHADA

Caqabadaha ugu waaweyn ee doorashada horyaalla waxaa ka mida kuwo siyaasadeed oo ay ugu horrayso

  1. In guddida doorashadu helo kalsoonida saddexda Xisbi, si uu u qabto hawlaha doorashada, waxaana hawsha guddida doorashada aan ku qanacsanayn xisbiga Waddani oo qoraal tabasho ah u diray madaxweynaha dalka si uu u kala diro guddida doorashada, hase ahaatee madaxweynuhu wuxuu muujiyey inaanu ku raacsanayn xisbiga Waddani eedaha ay ka gudbiyeen guddida doorashada.
  2. In la ansixiyo Xeerkii Doorashada lagu geli lahaa oo horyaalla golaha wakiillada muddo kor u dhaafaysa 3 bilood, illaa haatanna golaha wakiilladu kama doodin xeerka doorashada, waxaana xildhibaannada golaha wakiilladu ay ku doodayaan inay xeerka ku jiraan qodobo siyaasi ah oo goluhu ku kala aragti duwan yahay, ayna tahay in marka hore xisbiyada, gobollada ka cabanaya saami qaybsiga kuraasta baarlamaanka iyo xukuumaddu ay ka soo gaadhaan heshiis siyaasadeed, gaar ahaan arrinta saami qaybsiga kuraasta. Qodobkan oo leh culayskiisa siyaasadeed ayaa ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee hortaagan doorashada golaha wakiillada Somaliland.
  3. Ka go’aan gaadhista qoondada haweenka oo ku dhex jirta Xeerka doorashada ee loo gudbiyey golaha baarlamaanka, taas oo u baahan awood siyaasadeed oo taageerta haddii la rabo in la hirgeliyo.
  4. Waxaa iyana caqabad siyaasadeed ah, in wax laga qabto xiisadaha dhinaca nabadgelyada ee ka jira gobollada bariga, kuwaas oo culays amni iyo mid siyaasadeedba ku ah doorashada, haddii aan xal laga gaadhin xiisadda Tukaraq, arrinta ka jirta gobolka Sanaag ee jabhadaha is-hubeeyey iyo xanafta ka dhalatay doorashadii dalka ka dhacday oo weli meelaha qaar ka sii muuqata, waxay culays amni iyo mid siyaasadeed ku keenaysaa hawlaha doorashada ee gobollada bariga.
  5. Xiise weyn oo la xidhiidha doorashooyinka Somaliland ee soo socda oo aanay muujinayn wadamada Somaliland ka taageera hawlaha doorashada, taas oo lafteedu saamayn ku leh dardargelinta diyaargarowga hawlaha doorashada, waxaadna moodda in wadamada qaarkood ay haatan dedaalladoodii hawlaha doorashooyinka u leexiyeen dhinaca Somalia, gaar ahaan diyaargarowga doorashooyinka soo socda.

Sidoo kale waxaa jira hawlo farsamo oo ka horreeya doorashada oo ay tahay in la qabto, sida diiwaangelinta codbixiyayaashii aan hore isu diiwaangelin ama muwaadiniinta qaangaadhay intii ka dambaysay doorashadii hore, arrintan oo u baahan qorshe doorasho oo heshiis lagu yahay, iyo wakhti iyo dhaqaaleba.

Warbixinta oo Dhamaystiran halkan ka Akhriso: WARBIXINTA HAWLAHA DOORASHADA